Dalka ayaa maanta oo Sabti ah laga diiwaan geliyay 538 kiis oo cusub kuna sabsan fayraska corona taasoo wadarta guud ee kiisaska ka dhigeysa 41,158.

Tiradan dheeriga ayaa la soo sheegay ka dib markii COVID-19 laga baaray 6,872 qof 24-kii saac ee la soo dhaafay.
tijaabooyinka guud ee la qaaday tan iyo markii Coronavirus u wadanka ka dhilacay bishi March 13 sanadkan 2020 ayaa hadda waxay gaartay 586,911.

496 ka mid ah dadka laga helay caabuqa waa Kenyan halka 42 qofna ay ajnabi noqdin.
dhanka jinsiga marka la eego 430 waa rag halka 108 ay dumar yihiin.

Sidokale Wasaarada cafimaadka dalka ayaa xustay in qof ugu yar ee fayraska laga helay uu yahay cunug hal sano jir ah kan ugu weyna 85 sano jir.

61 qof ayaa maanta ka bogsadey cudurka, iyadoo 40 ka mid ah dadkas ay ku jirin Daryeelka ku saleysan guryaha halka 21 ay ahayeen dad laga soo saaray Isbitaalada kala duwaan ee wadanka.
Guud ahan soo kabashada cudurka COVID-19 waxay hadda noqotay 30,937.

Ismaamulada laga soo tabiyay kiisaskan ayaa waxay kala yihiin ; Nairobi 157, Bungoma 118, Nakuru 48, Turkana 41, Mombasa 33, Kilifi 31, Uasin Gishu 16, Kisumu 13, Kisii 12, Meru 12, Garissa iyo Trans Nzoia sagaal kiis midkiba Narok iyo Kiambu sideed, Kakamega lixaad, Isiolo afar, Kwale sedex, Nyamira, Kitui iyo Migori min laba kiis, halka Busia, Elgeyo Marakwet iyo Marsabit ay min hal kiis leeyihiin.
Si kastaba ha noqotee shan rux oo dheeri ah ayaa u geeriyooday fayraska, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee dhimashada 760.