Mudanaha laga soo doorto waqooyiga Gatundu Wanjiku Kibe ayaa ka horyimid go’aanka maxkamadda sare oo lagu cadeyay in kursiga xildhibaan ee waqooyi Gatundu uu banan yahay iyadoo racfaan ka qaadatay maxkamada racfaanka.
Arbacadii, Xaakim Weldon Korir ayaa ku dhawaaqday in kursigeedu banaan yahay waxayna ku amartay guddiga dorashada ee IEBC inuu qabato doorasho cusub.
Justice Korir waxay ku xukuntay in doorashadeedu ay ahayd mid sharci daro ah sababo ay ku sheegtay in iyadu wali ahayd golaha wakiladda ee ismaamul loo doortay xilka.
Sikastaba, Wanjiku ayaa sheegtay inaysan ku qanacsaneyn go’aanka uu qaatay garsoore Korir.
Kiiskan ayaa waxaa maxkamadda horgeyay xildhibaan hore Clement Waibara oo ka horyimid doorashadeeda.