Boqolaal odayaal oo ka soo jeeda qomiyada Kikuyu ee bartamaha dalka ayaa taageeri doona musharxnimada madaxtinimo hogaamiyaha ODM Raila Odinga dhamaadka usbuucan.

Wafdi ka badan 500 oday ayaa maalinka sabtida safar taariikhi ah ku tagaya guriga Raila Odinga oo kuyaalo magaladda Bondo oo caan ku ah magaca Kango Kajaramogi halkaas oo odayaasha shaaca ka qaadi doonan tageerida ay u hayaan hogamiyaha xisbiga ODM.

Kulankan, oo ah kii ugu horreeyay noociisa, ayaa ah waxa kasoo dhex muuqan doona shaqsiyaad saameyn ku leh Aqalka Madaxtooyada dalka iyadoo falanqeyasha siyasada dalka ay sheegen in madaxweyna kuxigeenka dalka u taagero kahaysanin madaxweynaha dalka.

Maalinkii Arbacada ee isbuucan wargeyska The Star ayaa maqal u qoray ku sheegay ah in lataliyasha iyo shakhsiyadka kudhow MW Uhuru ay soo gabagabeeyeen in Raila Odinga u yahay kaliya qof la tartami karo William Ruto dorashada soo aadan.

Golaha Guurtida ee qomiyada Hogamiyaha ODM iyo xildhibaano dhowr ah oo ka soo jeeda gobolka Nyanza ayaa ka soo qeyb geli doona kulankan malinka sabtida.

Kulanka Bondo kaadib odayaasha kasoo jeeda gobolka Nyanza iyo hogaamiyaasha siyaasadeed ee la xushay ayaa sidoo kale lagu martigalin doonaa qeybta labaad ee kulanka ismaamulka Nyeri oo kabsoomi doono 30ka Oktoobar.

Raila walaalkiis ka weyn ahna xildhibaanka ka tirsan barlamaanka bariga Africa ee EALA Oburu Odinga ayaa xaqiijiyay in diyaar garowga uguu dambeyey kujiraan si usoo dhaweyaan martida.

Isla malinka Sabtiga, Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Raila iyo Madaxweynaha ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabad duco qaran oo lagu qabanayo Aqalka Madaxtooyada dalka ee Nairobi.

Falanqeeyayaasha siyasada dalka ayaa sheegaya in ansaxinta loogu talagalay in dib loo habeeyo daxalka siyasadeed ee dalka