Maamulka Adeege ee magaalada Nairobi ayaa waxay helayaan dhaqala balaadhan kadib markii golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayy u qondeyeen maamulka u hogaamiyo Gen Mohammed Badi lacag dhan 27.1 bilyan oo miisaaniyad ah.

Arinkan ayaa kusoo begmesaa kadib kala fadhigii barlamaanka hoose ee Nairobi malinkii khamiistii oo lagu ansixiyay sanad maaliyadeedka 2020-2021 oo ah 35.5 bilyan oo shilin kadib markii wax laga badalay Hindise Sharciyeedka Qoondaynta Gobolka Nairobi ee 2020.

Dhanka kale Maamulka gavanaha Nairobi Mike Sonko ayaa loo qoondeeyay 6.4 billion oo shillin si loogu dhameystira howlaha harsan halka 2 billion loo qoondeeyay golaha deegaanka ee ismaamulka.

Kadib wareejinta afar hawlood oo muhiim ah oo loo wareejiyay Dowladda Qaranka,maamulka NMS waxaa loo qoondeeyay 18 bilyan oo shilin oo loogu talagalay kharashka joogtada ah iyo 9.1 bilyan oo loogu talagalay Horumarinta caasimada.

Marka loo eego NMS, Waaxda Caafimaadka waxay heli doontaa 8.1 bilyan, Gaadiidka iyo Hawlaha Guud 3.6 bilyan, Qorshaynta magaalooyinka iyo dhulalka 891 milyan, Biyaha iyo Kheyraadka Dabiiciga 3.3 bilyan, Guryeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka 1.1 bilyan , Tamarta iyo korontada 3.3 bilyan, iyo Sanduuqa Horumarinta waxyada kala duwan ee caasimada 1.3 bilyan.