Dowlada ismaamulka Kwale ayaa qorsheyneysa inay shaqaaleyso ilaa 150 macalin oo xanaanada caruurta ah si loo xoojiyo waxbarashada caruurnimada hore ee ismaamulkasi.

Guddoomiyaha ismaamulkasi Salim Mvurya ayaa sheegay in macallimiinta cusubi ay dabooli doonan baahida loo qabo yaraanta barayaasha xarumaha qaar ee ECDE-da loo yaqano.Fursadaha Shaqooyin ee banaan ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa ugu dambeyn 31-ka bishan Diseembar ee sanadkan.

Ismaamulka Kwale waxaa u leeyahay in kabadan 400 xarumaha ECDE iyo 700 oo macallimiin oo gobahasi ka howlgala.

Barasabka ismamulka Kwale ayaa sheegay in kumanaan arday ay ka faa’iiden mashrucan ay suuro galisay hay’ada Elimu Ni Sasa Foundation oo ay aasasen asaga iyo ku xigeenkiisa Fatuma Achani sanadkii 2013,waxaan hay’adan sanad kasta lacagaha dugsiyada kabixisaa oo kafaalo qaday ardayda ksoo jeedo qoysaska danyarta ah.

Tani iyo markii mashruca hay’adasi laga bilaaway ismaamulkasi in kabadan 4,000 ardayda dhigata iskuulada qaranka iyo 2,000 jaamacadaha dhigata ayaa kafaiday.