Dalka ayaa maanta oo jimca ah laga diiwaan galiyay 442 xaaladood oo cusub oo Covid-19 ah, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee kisaska Corona gudaha dalka 40,620 kiis sida uu sheegay Dr Rashid Aman.

Tirada maanta ayaa la ogaaday kadib baritaan lagu sameyay 5,327 qof oo la tijaabiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Bukanada cusub ee cudurka maanta laga helay 419 ayaa dalka u dhasheen halka 23-da kale ay ajaanib yihiin.

Tirada dhimashada ayaa kor u kacday oo gartay 755 ka dib markii afar bukaan oo dheeri ah ay cudurka u dhinteen.

Isaga oo lahadlayay warbaahinta intii lagu guda jiray warbixintii maalinlaha ah ee ‘Covid-19’ isaga oo ku sugan ismaamulka Uasin Gishu,xogayaha wasaradda caafimadka dalka Dr Rashid Amaan ayaa dhanka da’ada sheegay in bukaanada cusub qof uguu da’ada yar jiro saddex sano halka qofka uguu weyn jiro 86 sano.

Dhanka kale 166 bukaan oo dheeri ah kale ayaa ka bogsadey cudurka, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee soo kabashada dalka 30,876 soo kabsasho ah.

Ismaamulada kala duwan ee fayraska maanta laga soo tabiyaya ayaa waxaa ay kala yihiin; Nairobi 80 kiis, Mombasa 47, Embu 20, Kisumu 20, Meru 15, Garissa 12, Kajiado 11, Kericho 10, Kwale 2 iyo Bungoma 1.