Kooxo hubaysan ayaa toogasho ku dilay nin ku sugnaa baar ku yaal magaalada Kathonzweni,ee ismaamulka  Makueni, habeenkii xalay.

Burcadda ayaa la baxsatay 28,000 oo shillinka dalka oo ay kala Soo ka baxsadeen baarka waxayna dhac u geysteen macamiish halkaasi kusugnaa.

Taliyaha booliska ee qeybta hoose ee Kathonzweni ayaa sheegay in labadan nin oo ku hubeysnaa bistoolad ay iska dhigeen boolis  ka hor weerarkii ay kudileen qof Meesha ku sugnaa.

Booliisku goobta gaadhay, waxay utageen ninkan dhintay  oo dhaawac ah halkaasi  oo loola cararay cisbitaalka Makueni iyadoo oo goor danbe la xaqiijiyay inuu dhintay. Meydka ayaa la geeyay goob meydadka lagu keydiyo oo gaar loo leeyahay.

Dhacdadan ayaa imaneysa maalin kadib markii Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu furay baararka xirnaa tan iyo bishii Abriil si loo yareeyo faafitaanka cudurka Covid-19.