Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa xafiiskiisa magaalada Khaartuum kula kulmay safiirka cusub ee dalka Norway u fadhiya Suudaan Therese Loken Gheil.

Intii uu socday kulankoodi waxay danjireyaasha labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalka Soomaaliya iyo Norway oo dhinacyo badan leh.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Suudaan haweeneyda lagu magacaabo Therese Loken Gheil.

Dowladda Norway ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulshada.