Bandowga guud ahaan dalka saaran ayaa lagu kordhiyay 60 maalmood, sida uu shaaciyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.

Saacadaha bandowgu ayaa labadalay,waxaa laga dhigay 11-ka habeennimo ilaa 4-ta arornimo halka markii hore ay aheyd bandoogwa saddexda fidnimo ilaa afarta aroronimo.

Baararka ayaa loo oggoladay inay shaqeeyaan laga bilaabo malinta Talaadada oo bari ah.Baararka ayuu madaxweynaha sheegay in la xiro marka lagaadho 10ka fiidnimo.

MW Uhuru ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in iskuimaantanka kaniisadaha, aroosyada iyo aaska ay kasoo xadiri karaan uguu badnan 200 oo qof.

Si kastaba ha ahaatee,madaxa dalka ayaa sheegay iskuuladu la furi doonin ilaa inta laga helayo qorsha laisku haleyn karo.