Maxkamad ku taal magaalada Mandheera ayaa xabsi 50 sano ah ku xukuntay nin 20 sano jir ah oo lagu helay dambi ah inuu faraxumeyay gabadh yar oo hal sano jir ah.

Ninka ayaa lagu helay dambi kufsi ah iyo in si anshax xumo ah oo uu u gabadh yar ula dhaqmay dhacdadaasi oo ka dhacday tuulada Darkale, ee degaanka Banisa.

Mar u xukunka ridayay,garsooraha sare ee magaalada Mandheera Kimani Mukabi ayaa waxaa u sheegay in xeer ilaalinta ay cadeysay in eedaysanuhu uu dambiga lagu soo oogay lagu cadeyay.

Eedeysanaha ayaa dafiray dambiga lagu soo oogay falkaas oo maxkamadda sheegtay in uu dhacay 11-kii Maarso,ee sanadkan 2020.

Intii ay socotey dacwada, Mr Mukabi waxaa u qirey in cadeymaha dhibanaha ee loo gudbiyey dhex dhexaadiyaha oo ah hooyada dhashay gabadhan maadaama dibanaha ay tahay ilmo aan awood u lahayn inay hadasho.

Hooyadan ayaa sheegtay inay guriga joogtay abbaare 8-dii fiidnimo iyadoo diyaarinaysa cashada jikada markii ay maqashay cunugeeda oo ka qaylinaya guriga dhexdiisa.

Waxay u sheegtay maxkamadda hoyada dhibanaha in oohinta cunuga ay maqashay,Waxaa ay hoyada intasi ku dartay in canugga u kaxeysey isbitaalka magaalada Banisa si loogu daweeyo.

Waxay ku adkaysatay in dadka kaliya ee guriga ku jiray ay ahaayeen ilmaha dhibanaha ah, wiilkeeda oo saddex jir ah iyo ninkeeda oo ah eedaysanaha.