Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa gaaray Guddiga Farsamada soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle, kuwaasi oo tan iyo markii la Magacaabay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaa Xubnaha Guddiga kusoo dhaweeyay Xxildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo Maamulka Magaalada jowhar.

Guddiga Farsamada soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxaa ay maalmaha soo socda guda geli doonaan soo xulista Baarlamaanka labaad Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Maamulk,a degmada Jowhar iyo Odayaasha dhaqanka degaannada hir-Shabeelle si ay ugala hadlaan Arrimaha soo xulista Baarlamaanka.