170 qof oo la xanunsana viruska ayaa ka bogsadey cudurka, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee soo kabashada tan iyo bishi March ee sanadkan 24,504.

79 ka mid ah dadka ka cafimaaday COVID-19 ayaa ku jirin daryeelka dhanka guryaha ku salaysan halka 91 laga soo saaray xarumaha caafimaadka ee kala duwan sida u sheegay Wasiirka Cafimaadka ee dalka Mr Mutahi Kagwe.

Dhanka kale 218 kiis oo cusub ayey shalay galinki dhabi shaacisay Wasaarada cafimaadka ee Wadanka.

Kiisaskan dheeeriga ah ayaa laga soo kala diwaan galiyey Ismaamulada kala ah Nairobi (68), Kisii (28), Mombasa (21), Kisumu (19), Kiambu (13), Kajiado (11), Busia 10 (10), Machakos (8), Tharaka Nithi (6), Garissa (6), Taita Taveta (5), Nakuru (4), Uasin gishu (3), Narok (2), Laikipia (2), Kakamega (2), Kericho (2) iyo Homabay oo hal kiis ah.