Lionel Messi ayaa fariin qiiro leh maanta oo jimciha u diray saxibkiis Luis Suarez, maalin ka dib markii weeraryahanka reer Uruguay uu macsalaameeyay isagoo ilmeynaya kooxda Barcelona ka dib markii ay kooxdu u dirtay Atletico Madrid.

“Maanta waxaan galay qolka labiska runti naxdin ayaa lakulmay way i taabatay inan arkin Luis,” Messi ayaa soo dhigay bartiisa Instagram, kahor inta uusan cusbooneysiin dhaliisha uu uqabo maamulka kooxda Barcelona.

Messi ayaa khilaaf soo jireen ah kala dhexeeyaa madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu kaas oo sii xoogeystay ka dib markii Barcelona ay 8-2 guul daro weyn kasoo gartay kooxda Bayern wareega 8da ee tartanka Champions League bishii Ogosto.

Messi ayaa isku dayay inuu ku qasbo bixitaankiisa kooxda Barcelona laakiin ugu dambeyntii wuu aqbalay inuu sii joogo sannad kale oo ah kan ugu dambeeya qandaraaskiisa. Dhanka kale, labo ka mid ah saaxiibadiisa ee kooxda, Suarez iyo Arturo Vidal ayaa laga diray kooxda.

33-sano jirkaan ee Luis Suarez ayaa uu dhaqaaqay Atletico halkaas oo qandaraas labo sano ah u saxixay isagoo oo beeca xorta uguu wareegay, in kastoo, haddii uu ciyar fcn soo bandhigo ay Barcelona heli karto xoogaa lacag ah,halka Arturo Vidal u kubiray kooxda Macalimin Conte ee Inter Milan.