Dalka ayaa manta oo jimca ah laga diiwaan geliyay 218 kiis oo cusub oo ah Covid-19, taasoo wadarta guud ee tirada kisaska corona dalka ka dhigeysa 37,707.

Kiisaska cusube maanta ayaa la diwaan galiyay kadib baritaan lagu sameyay 5,424 qof oo la baaray 24kii saac ee la soo dhaafay taasoo kadigeysa tirada guud ee tijabada 532,729.

Kiisaska cusub, dhammaantood dadka laga helay cudurka marka laga reebo sideed waxay ahaayeen Kenyan halka xaga jinsiga, 159 ay yihiin rag halka 59 ay dumar yihiin.

Tirada dhimashada ayaa kor u kacday oo gaartay 682 dhimasho ah ka dib markii 13 bukaan oo dheeri ah ay cudurka u dhinteen 24kii sac ee la soo dhaafay.

Wasiirka wasaradda caafimadka dalka Dr Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dhanka da’ada qof uguu yar jiro hal sano halka qof uguu weyn jiro 78 sano.
Dhanka kale 170 bukaan oo dheeri ah ayaa cudurka ka bogsadey , taas oo ka dhigeysa tirada guud ee soo kabashada dalka 24,504.