Masuuliyiinta Talyaaniga ayaa baaraya in weeraryahanka Barcelona Luis Suarez, oo u dhashay dalka Uruguay, in si sharci darro ah looga caawiyay inuu ku guuleysto imtixaanka luuqada Talyaaniga isbuucii hore, si u helo baasaboor Yurub ah oo ka caawin kara inuu u wareego koox cusub.

Suarez, oo xaaskiisa asal ahaan ka soo jeedo Talyaaniga, ayaa ka caawisay sayigeeda in u ku guuleysto imtixaankii khamiistii la soo dhaafay ee Jaamacadda Ajaanibta ee Perugia.

Tijaabadu waxay wadada u banaysay in si dhakhso leh loo ansixiyo muwaadinimada Suarez taas oo macnaheedu tahay  in kooxda Juventus ay la soo wareegi karto iyada oo aan la dhaafin qoondada loo oggol yahay ee ciyaartoyda aan ka tirsanayn Midowga Yurub.