Arturo Vidal ayaa dhameystiray heshiis 1 milyan oo ginni ah oo uu ugu biiray kooxda Inter isagoo ka yimid Barcelona, isagoo dib ugu laabanaya Italy ka dib shan sano oo uu ka maqnaa.

Shabakada Goal ayaa ogaatay in Vidal uu mustaqbalkiisa u hibeeyay Inter ilaa sanadka 2022, iyadoo dooq u leh inuu ku kordhiyo joogitaankiisa sanad dheeri ah oo lagu daro heshiiska ugu dambeeya.

33 jirkaan ayaa loo gacan galiyay qandaraas uu sanadkii ku qaadanayo million 6 million (£ 5.5m / $ 7m), waxaana hada loo xil saaray inuu ka caawiyo kooxda Antonio Conte inay isku dayaan inay horyaalka Serie A ay ku guleystaan.