Wasiirka arimaha dibada Falastiin ayaa sheegay  in Falastiin ay joojisay gudoomiyanimadeedii ay hada uhaysay shirarka jaamacada carabta, waxaayna cambaareysay sharaf dhac kasta oo heshiis carbeed oo xiriir rasmi ah lala sameeyo Israel.

Falastiiniyiintu waxay u arkaan heshiisyadii ay Isutagga Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn kula saxiixdeen Israa’iil magaalada Washington toddobaad ka hor inay yihiin khiyaamo ujeedkooda iyo dhabar jab ku ah doonistooda dowlad madaxbannaan oo ay helaan Falastiniyiinta.

Horaantii bishaan, Falastiiniyiinta waxay ku guuldareysteen inay ka dhaadhiciyaan Jaamacada Carabta inay cambaareeyaan wadamadda Carabta, isla markaana caadi ka dhigaya xiriirka ay la leeyihiin Israel.

Falastiin waxay ahayd inay hogaamiso shirarka Jaamacada Carabta lixda bilood ee soo socota, laakiin Wasiirka Arimaha Dibada Falastiin Riyad al-Maliki ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Ramallah ku sheegay inaysan mar dambe dooneyn jagadasi.