Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomalya ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan waxaa uu Maanta ku dilay Mid kamid ah wadayaasha ku Shaqeysta Mooto Bajaajka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka Darawalka Bajaajlaha oo lagu Magacaabi Bile Cali Diini uu ka dhacay Xaafada Soonakey ee degmada Hodan, isla markaana askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan sababta uu Askariga u dilay wadaha Mooto Bajaajka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Askariga uu ahaa mid isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Ehellada Darawalka Mooto Bajaajka ee la dilay ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday Meydka Marxuumka , kaas oo la geeyay qeybta Meydka ee Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Dad si aad ah u yaqaanay darwalka Moto bajajka ayaa warbahinta waxaa ay u sheegeen in uu ahaa Aabe laba Xaas leh, sidoo kalena ka sokow ku Shaqeynta Mooto Bajaajka gelinka dambe ee Maalintii uu mararka qaar ka Shaqeyn jiray Dukaan uu ku leeyahay Xaafada Soonakeey.