Xildhibaanka laga soo doorto degaanka Kapseret Oscar Sudi ayaa 7 maalmood oo kale ku sii jiri doono xabsiga booliska.

Sudi wuxuu horeyba laba maalmood ugu xirnaa saldhigga dhexe ee bilayska Nakuru iyadoo laga sugayay maxkamadda xukunka dalab damiin ah.

Sudi waxaa la horkeenay garsooraha guud ee Nakuru Josephat Kalo Isniintii codsi kala duwan oo uu lagu donayay in xildhibaanka lagu si hayo 14 maalmood xabsiga si loo dhamaystiro baaritaanadana booliska ayey soo gudbisay kooxda xeer ilaalinta.

Kooxda Xeer ilaalinta, oo uu hogaaminayay Daniel Karuri, ayaa sheegay in waqti dheeri ay u bahan yihiin si loo dhameystiro baaritaanada ku aadan dambiyada lagu soo eedeeyay xildhibaanka.

Waaxda xeer ilaalinta ayaa diidneyd in lagu siidaayo dammaanad xildhibaanka iyagoo sheegay in eedeysanaha uu halis ku yahay amniga bulshada.

Shan iyo toban qareen oo difaacay xildhibaanka, oo ay kamid yihiin wakiilka haweenka ismaamulka Uasin Gishu Gladys Shollei iyo Senatorka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen, ayaa ka horyimid codsigan xeer ilaalinta iyagoo sheegay in macmiilkoodu uusan noqon karin mid halis ku ah amniga.

Uguu dambeyn maxkamadda ayaa amar ku bixisay in 7 malmood oo dheeri ah xabsiga lagu sii hayo xildhibaanka si booliska ay baritankood ay u dhameystiraan.