Dalka ayaa manta oo arbaca ah laga diiwaan galiyay 92 kiis oo cusub oo Covid-19 ah,tiradas oo wadarta guud ee kisaska corona gudaha dalka ka dhigeysa 36,923 oo kiis sida ay xaqiijisay xogayaha wasaradda caafimadka dalka Mercy Mwangangi.

Kisaska maanta ayaa la ogaaday kadib baritaan lagu sameyay 2,985 qof oo la tijaabiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tirada dhimashada ayaa kor u kacday oo gaartay 637 kadib markii 3 bukaan oo dheeri ah ay u dhinteen Fayrska.

Dr Mwangangi oo la hadashay warbahinta intii lagu guda jiray warbixintii maalinlaha ah ee ‘Covid-19’ ayaa sheegtay in shakhsiyadka maanta laga xaqijiyaya cudurka dhanka da’ada qofka uguu yar jiro shan sano halka qofka uguu weyn jiro 81 sano.

165 bukaan oo kale ayaa ka bogsadey fayraska, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee soo kabashada fayraska dalka 23,529 soo kabsasho ah.