Kooxda Ingriiska ee Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday goor dhaweyd heshiiskii la filayay iyagoo qandaraas cusub ka saxiixay kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa qalinka ku duugay heshiis seddex sannadood ah isagoo loo sameeyay mushahar kordhin ka dhigeysa mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda.

Aubameyang ayaa mushahar ahaan u qaadan doona isbuucii 250 kun ginni iyadoo lacagaha uu abaalmarinta ku helayo ay mushaharkiisa ka dhigi doonto inuu kor u dhaafo lacagta uu Ozil qaato ee 300 kun ginni isbuucii.