Qoys ku nool magaladda Kangema,ee ismamulka Murang’a, ayaa ku waayey shan ka mid ah xubna kamid ah qoyskooda shil gaari.

Xubnaha Qoyskan ayaa dib ugu soo laabnayay safar ay ku gareyn magaladda Machakos halkaasoo ay ku booqdeen qarabadood kahor inta ay shil ku galin deegaanka Kwangolia ee wadada iskuxirta magalooyinka Wote iyo Machakos.

Peninah Muthoni oo kamid qoyska musibadan soo gaartay ayaa sheegtay in qoyskeda ay ka geeriyoden shan xubnood oo u kamid yahay wiilkeeda curadka ah oo lagu magacaabo Michael.

Muthoni ayaa sheegtay in qoyskeedu u baahan yahay caawimaad si maydadka looga soo qaado Machakos oo loogu aaso magaladda Murang’a halka inta dhawaaca ahna caafimadkooda lala tacaalo.

Warbixin ay soo saartay waaxda badqabka wadooyinka ee NTSA ayaa sheegtay in kumanaan qof ay sanad walbo ku naf wayaan shilalka wadooyinka iyagoo uguu baqay darewalada in ay ka taxadaraan badqabka xamuulkooda.