Hogaanka Aqalka Senate-ka ayaa waxaa maanta lagu marti qaaday aqalka madaxtooyada ee State House kahor codbixinta oo galabta qabsontay oo ku aadan qeybsiga dakhliga 47 ismaamulada dalka.

Mas’uuliyinta senet-ka ee ka qeyb galay kulankan waaa kamid ah afhayeenka senet-ka Kenneth Lusaka, hogaamiyaha aqlabiyada senent-ka Samuel Poghisio iyo dhigiisa hogaamiyaha laga tirada badan yahay senetor James Orengo.

Seneterada ayaa waxaa ay dooda hore iskudayen in ay meel mariyaan sami qeubsiga dakhliga dalka balse aay ku guuldaresteen in ay ka heshiyaan.Dhanka kale Afhayeenka senet-ka Kenneth Lusaka ayaa dib u dhigay dooddii isbuucii hore si loo meel mariyo qoonda la isku raacsan yahay.

Gudiyada kala duwan ee senet-ka ayaa kula taliyay hogaamiyaasha barlamaanka senet-ka inay la tashadaan madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga si loo heelo is afgarad buuxa.