Magaalada Ruili ee dhacda koonfur-galbeed Shiinaha ayaa xiran, iyadoo dhammaan 200,000 oo qof ee deggen magaladda laga baarayo COVID-19 kadib markii labo muwaadin oo u dhashay Myanmar oo ku sugnaa magaladaasi laga helay fayraska.

Dowladda Ireland ayaa dib u dhigtay qorshihii dib loogu furi lahaa dhammaan baararka ku yaal caasimada Dublin ka dib markii ay soo bateen kiisaska COVID-19 ee caasimadda,balse dowladda ayaa sheegtay in baararka guud ahaan dalka intiisa kale loo oggolaan doonaa inay furmaan Isniinta soo socota.

Bangiga Horumarinta Aasiya ayaa sheegay in aan wax aamah ah bixin doonin inta u sanadkna ka dhamanayo sabab la xariro dhibatooyinka dhaqaale uu wajahayo.

In ka badan 29 milyan oo qof guud ahaan caalamka ayaa laga helay coronavirus,halka dad tiradooda Gaareyso 928,576 ay fayraska u dhinteen, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins, Ku dhowaad 20 milyan oo qof ayaa soo kabsaday cudurka.