Barasaabka ismaamulka Gaarisa Ali Bunow Korane ayaa lagu siidaayay damiin lacageed oo dhan 3.2 million oo shillinka dalka ah.

Korane ayaa sidoo kale laga mamnuucay inuu tago xafsika waxaana lagu amray inuu baasaboorkiisa dhigo maxkamada.

Mr Korane maanta oo talaadada waxaa lagu soo oogay dacwada musuqmaasuq isagoo kasoo hor muqday maxkamada ladagaalanka musuqmaasuqa ee Milimani.

Korane waxaa lagu eedeeyay inuu lunsaday qeyb ka mid ah 233 milyan oo shilin oo uu ku deeqay Bangiga Aduunka Barnaamijka Taageerada Magaalooyinka ee Kenya.

Barasabka iyo afar shakhsi oo kale ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay ku kaceyn fal masuqmasuq,Waxayna dafireen eedeenta garsoore Douglas Ogoti ee maxkamadda Milimani.

Grasoore Ogoti markii uu damaanad siiyay edesanyaasha, waxa uu sheegay in uu tixgaliyay xaqiiqda ah in uusan jirin khasaaro lacageed oo lagu shaaciyay dacwada ka dhanka barasabka iyo shakhsiyadka kale.

Dhanka kale Ali Korane waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inuu si ula kac ah u hogaansami waayey sharciga la xiriira maaraynta lacagaha.

Xeer ilaalintu kamaysan horjeedsanin damaanada laakiin waxay ka codsatay maxkamada inay eedeysanaha siiso shuruudo adag oo kuxiran damanada.