Dowladda Giriiga ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadal in ay la gasho Turkiga oo ku sabsan biyaha lagu muransan yahay ee bada Mediterranean-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay in Turkiga uu wakhti haysto kahor iyo kadib goa’aanka Midowga Yurub kadib wadahadal uu Ra’iisal Wasaaraha Giriiga ku la yeeshay magaalada Athens Madaxweynaha Golaha midowga Yurub Charles Michel.

Muranka soo jiitamayay ee u dhaxeeyay labada dal ee xubinta ka ah NATO ayaa soo shaac baxay bishii hore markii Turkiga uu u diray markabka lagu magacaabo Oruc Reis,si u usahmiya shidalka laga helay badda Mediteranin-ka.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa sheegay in Xukumadda Ankara ay wajihi karto cunaqabateyn,hadalkaasi u Turkiga ku tilmaamay mid aan ku saleysnen sharciga.

Dowladda Turkiga ayaa dhankeeda sheegtay in fursad sineeyso wasiirada arimaha dibada ee Midowga Yurub, oo kulmaya Isniinta soo aadan, kahor shir madaxeedka dalalka Yurub, si ay u qaadaan talaabooyin lagu xalinayo khilaafka taagan.