Dowladda Qatar ayaa meesha ka saartay inay xarir caadi ah la yeshaan Israel.
Lolwah al-Khater oo ah Afhayeenka wasaradda arimaha dibada Qatar ayaa sheegtay in Aasaaska khilaafka Carabta iyo Israel uu ku saabsan yahay xaalada adag ee ay Falastiiniyiintu ku nool yihiin.
Lolwah al-Khater ayaa wareysi ay siisay telefishanka Bloomberg ku sheegtay in xarir wanagsan oo lala yeesho Israel ay ku xirantahay Aqoonsiga iyo danaha Falastiniyinta oo la meel mariyo.
Go’aanka Qatar ayaa imanayaa xili Baxreyn iyo Islkuutagga Imaaraatka Carabta ay heshiisya kala saxixan doonan Israel xaflad ka dhici doonta Aqalka Cad goor dambe oo caawa ah.
Heshiisyadan ayaa qeyb weyn ka qaadan doona xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsiga, amniga iyo xiriirka kale ee u dhexeeya Israa’iil iyo dowladaha Carabta.
Falastiiniyiinta ayaa horaan dhaleeceeyay heshiisyadan inay yihiin khiyaano aad u weyn oo ay geysteen dowladaha carabta, iyagoo sii wiiqaya dadaalkooda ay ku doonayaan ka-tashiga aayahooda.
Hoggaanka Falastiiniyiinta ayaa doonaya dowlad madax bannaan oo ku saleysan xuduudaha dhabta ah ka hor dagaalkii sanadkii 1967, oo ay Israa’iil qabsatay Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo ay ku darsatay Bariga Qudus.