Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay falalka kufsiga ah oo maalmihi lasoo dhaafay kusoo batay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaliya, waxaana ay sheegeen in dowladda Soomaaliya laga doonaayo baaritaano dheerad ah.

Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in falalkaasi naxdinta leh ay ka dambeeyaan gacmo ka baxsan Soomaaliya, islamarkaana Hay’addaha baarista laga codsanaayo in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo falalka kufsiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaliya ayaa sheegay in ay daba taagan yihiin kiiska kufsiga iyo dilkii waxushnimada ee Muqdisho loogu geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, islamarkaana ay warbixin ka sugayan hay’addaha Ammaanka.

Waxaa ay xilidhibanada sheegeen in marnaba kiiskaas aysan ka hari doonin ilaa cadaaladda la marsiiyo dadkii ka dambeeyay falkaas, kuwaas oo qaarkood la sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku hayaan.

Waayihii danbe ayaa gudaha dalka Soomaliya ay kusoo bateen falalka Kufsiga oo ah mid ka baxsan dhaqanka Soomalida.