Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweynahii hore ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hoyigiisa ku booqday Madaxweynahii hore ee Soomaliya ayaa kulankan waxaa ay kaga wada hadleen labada Masuul Arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah ee dalka Soomaliya.

Madasha xisbiyada Qaran ayaa sheegay in aan la aqbalin karin 53 maalmood uu dalka ahaado Ra’iisul Wasaare la’aan, islamarkaana shaqada hadda socotaa ay u muuqato kaligii talisnimo.

Kulankaan ayaa yimid ka dib War Saxaafadeed kasoo baxay Madasha xisbiyada Qaran ayaa eedeyn culus loogu jeediyay Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in howlihii dalka oo dhan ay kusoo aruureen gacanta Madaxweyne Maxamad Cabdullahi Farmaajo.