Dalka ayaa manta oo Talaada ah laga diiwaan galiyay 96 kiis oo cusub oo Covid-19 ah,tiradas oo wadarta guud ee kisaska corona gudaha dalka ka dhigeysa 36,301 oo kiis sida ay xaqiijisay xogayaha wasaradda caafimadka dalka Mercy Mwangangi.

Kisaska maanta ayaa la ogaaday kadib baritaan lagu sameyay 3,270 qof oo la tijaabiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tirada dhimashada ayaa kor u kacday oo gaartay 634 kadib markii 10 bukaan oo dheeri ah ay u dhinteen Fayrska.

Dr Mwangangi oo la hadashay warbahinta intii lagu guda jiray warbixintii maalinlaha ah ee ‘Covid-19’ ayaa sheegtay in shakhsiyadka maanta laga xaqijiyaya cudurka dhanka da’ada qofka uguu yar jiro shan sano halka qofka uguu weyn jiro 81 sano.

Ismaamulka Nairobi ayaa hogaamineysa tirada kisaska corona ee malinlaha, iyada oo maanta laga diiwaan galiyay 26 kiis 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Ismaamulada kale ee kiisaska cusub maanta laga soo tabiyay waxaa ay kala yihiin; Kisii 10, Busia 8, Mombasa 7, Uasin Gishu 7, Kisumu 7, Machakos 6, Kericho 5, Kilifi 4, Samburu 2, Nakuru 2, Kajiado iyo Kiambu midkiiba laba kiis halka Bomet, Embu iyo Kakamega dhamaantood midkiiba hal kiis laga soo tabiyay.

121 bukaan oo kale ayaa ka bogsadey fayraska, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee soo kabashada fayraska dalka 23,364 soo kabsasho ah.