Xildhibaanka laga soo doorto degaanka Kapseret Oscar Sudi ayaa ku sii jiri doona xabsiga laba maalmood oo dheraad ah inta ay booliska ay ka dhameysitiri doona baritankooda.

Mr Sudi oo maanta la horgeeyay garsooraha guud ee Nakuru, Josephat Kalo iyada oo loo marayo codsiyo kaladuwan oo lagu doonayo in lagu hayo xabsiga 14 maalmood si waqti loogu helo baaritaana dhameystiran.

Codsiga kaladuwan,oo kayimid waxaada dacwad oogista oo loo maray Sarkaalka Baadhista dacwada Oscar Sudi u xil saaran, James Akello ayaa waxaa u ku andacooday in siidaynta xilidhibaanka ay khatar ku tahay kala dambaynta bulshada,nabadda iyo amniga.

Xildhibaan Oscar Sudi ma uusan qiranin wax dambi ah hasayeshe waaxda dacwad oogista ay sheegay in shan dacwadood ay ku soo oogin donaan xildhibaanka oo kamid hadalo naceyb ah, ku xadgudubka xaquuqda sarkaal boolis, anshax xumo, diidmada xariga booliska iyo haysashada hub sharci daro ah.

Xildhibaanka ayaa isku soo dhiibay saldhigga booliska ee Langas malinkii Axadda.
Sudi ayaa lagu eedeeyay inuu hadalo gef ah ka sheegay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo qoyskiisa, gaar ahaan hoyada madaxweynaha dalka ee Mama Ngina Kenyatta.