Bisha Cas ayaa maanta oo Isniin sheegtay in qof katirsan shaqaalaheda la dilay mid kalena lagu dhaawacay weerar lagu qaaday mid ka mid ah gawaarida hay’adda gargaarka bani’aadamnimada ee waqooyiga Syria.

Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhow al-Bab, oo ah magaalo qiyaastii 40 kiiloomitir dhanka bari ka xigta Xalab oo ay gacanta ku hayaan xoogag taabacsan Turkiga. Madaxweynaha Bisha Cas ee Turkiga Kerem Kinik ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka dilka, isaga oo aan sheegin cidda ka dambeysay werarkaasi.

Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegtay in gaarigooda uu si cad u muujiyay astaanta ururka markii ay weerareen dabley aan tiradooda la garaneyn oo hubeysan oo wajiyada soo duubtay kuwaasoo xirnaa dhar madow.

Sida laga soo xigtay wakaladda wararka ee AFP,ayaa sheegtay in qofka dhaawacmay uu soo gadhay dhaawac fudud.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga ayaa sidoo kale bayaan ay soo saartay ku cambaareysay weerarkani, iyadoo wacad ku martay in tallaabo laga qaadayo dhulka kooxda werarkasi ka dhambesay.

Turkiga ayaa gacanta ku haya dhul ballaaran oo waqooyi-bari dalka Syria ah iyada oo tageerto kooxa hubaysan oo kala duwan, waxaana ujeedka Turkiga u yahay in laga saaro dagaalyahanada Kurdiyiinta iyo kuwa xagjirka ah goobaha ay maamulaan.