Laanta booliska ee la dagaalanka argagaxisada (ATPU) ayaa gacanta ku heysa seddex qof oo ka mid ah muwaadiniin dalka Tanzania u dhashay kuwaas oo lagu qabtay 1000 kamid ah agabka waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Eedeysanayaasha ayaa lagu qabtay Mwakitau oo ku teedsan wadada weyn ee isku xirta Taveta iyo Mombasa, waxaana qabtay saraakiisha waaxda canshuuraha ee Kenya (KRA) oo ka yimid dhanka xuduuda Taveta-Holili.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa ay kala yihiin darawal wada ka ahaa gaariga xamuulka ah iyo laba qof oo xamuul ah.

Waaxda canshurta ee KRA waxay sheegtay in koox isku dhaf ah oo ka kooban booliis iyo saraakiil ka socota waaxda dambi Baarista ee DCI-da ay xaqiijiyeen in gariga xamuulka u ka koobna 1000 xabbo oo ah walxaha qarxa, kuwaas oo laga soo buuxiyay 10 sanduuq.

Eedeysanayaasha ayaa lagu soo oogi doonaa fal argaxisonimo ah iyo inay ka hor yimaadeen Sharciga Qaraxyada dalka.