Madaxweynaha kaligii taliska ee Belarus ayaa booqday Ruushka maanta oo Isniin ah si uu u helo balaan qaad iyo taageero siyaasadeed, iyada oo mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunkiisa oo 26-da sano uu galay toddobaadkoodii lixaad.

Wadahadalka uu MW Alexander Lukashenko uu kula yeeshay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin goobta loo dalxiis tago ee Badda Madow ee Sochi ayaa ku soo beegmtay maalin kadib markii dad lagu qiyaasay 150,000 oo qof ay buux dhaafiyeen jidadka caasimada Belarusiya, iyagoo dalbanaya is casilaada Lukashenko. Wasaaradda arrimaha gudaha Belarus ayaa sheegtay in 774 qof lagu xiray magaalada Minsk iyo magaalooyin kale oo Belarus kuyaala iyagoo qabtay isu soo baxyo rabshada wato.

Dibadbaxayaasha dalka Belarus ayaa ku gacan seray dib u doorashada Lukashenko markii lixaad ee doorashadii dhacday 9-kii Agoosto oo ay shegeen in ay tahay mid lagu shubtay. Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay dhaleeceeyeen doorashada Lukashenko iyagoo ku tilmaamtay mid aan xor iyo xalaal midna ahayn waxayna ku boorinayeen hogaamiyaha Belarus inay wadahadal la galan mucaaradka dalkaasi.

Ruushka iyo Belarus waxay leeyihiin heshiis dhow oo ah mid siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari, laakiin waxaa inbadan soo dhex galay khilaaf kala duwan. Kahor doorashadiisa,madaxweyne Lukashenko wuxuu marar badan ku eedeeyay Kremlin-ka inay cadaadis ku saareyso Belarus inay ka tanaasusho madax-bannaanideeda.

Laakiin iyadoo Mareykanka iyo Midowga Yurub ay dhaleeceeyeen doorashada oo ay qabnqabinayaan cunaqabateyn in la saaro Belarus,arinkaas oo Lukashenko hadda kadhorbiday inuu si buuxda tageero u weydisto Ruushka.