Codsiga Gudoomiyaha Gaarisa Ali Bunow Korane ee dagesiga dacwadiisa ayaa dib loo dhigay ilaa maalinta bari oo Talaada ah.

Qareenada Mr Qorane ayaa waxaa ay xaqijiyeen in loo shegay in inay soo noqdaan malinta Talaadada 8 subaxnimo.

Korane waxaa la soo tagay xarunta EACC ee Integrity Center maanta Isniin ah iyadoo gudigga ladagaalanka musuqmaasuqa ay bilaabeyn baaritaan ku saabsan isticmaalka sanduuqa deeqda oo ah lacag dhan 233 milyan oo shillinka dalka ah.

Agaasimaha dacwad soo oogista dalka Noordin Hajji ayaa dhamaadkii isbuuci hore amar ku bixiyay in si deg deg ah loo soo xiro guddomiye Ali Bunow iyo afar ka mid ah saraakiisha ismaamulka Garissa oo ku saabsan lunsashada lacagta deeqda ee bangiga Addunka.

Mr Korane,oo markii ugu horeysay ah gudoomiye ismaamul, waxaa lagu eedeeyaa inuu lug kuleyahay isticmaalka si sharci daro ah lacag dhan 233,506,000 oo aheyd deeq u bixiyay ah Bangiga Aduunku si loogu maal galiyo barnaamijka magaaleynta.

Ali Korane ayaa wuxuu noqonayaa gudoomiyihii lixaad ee xil hayo oo loo xiro musuqmasuq iyadoo dowlada ay adkeysay xarigga ka dhan mas’uuliyinta musuqmaasuqa baahsan lagu helo.

Baaritaano ay sameeyeen guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa lagu ogaaday in lacagahaasi si aan sharciga waa faqsanen loo isticmaalay.