Barasaabka ismaamulka Garissa Ali Korane iyo afar sarkaal oo ka tirsan dowlada ismaamulka Garissa ayaa habeenka cawa ku hoyan doona xabsiga kuyaalo xarunta EACC ee magaaladatani Nairobi ka hor intaan aan bari wax laga weydinn dacwad la xiriirta musuq maasuq lagu soo edeyay.

Qirashada edeymaha ay wajahayaan tuhmanayaasha oo kujiro gudomiyaha ayaa la qorsheeyay maanta oo Isniin ah in ay dhacdo balse la joojiyay ka dib markii Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (EACC) ay eedeysanayaasha maxkamadda horkeenin galabta.

Gudoomiyaha iyo dadka la eedeysan ayaa ku sugnaa xarunta maxkamada Milimani muddo labo saacadood ah, iyagoo rajeynayay in lagu soo oogo dacwadaha ay wajahayan kadibna dammaanadna lagu siideyn doono.

Markii dambena, saraakiishii booliiska EACC waxay dib ugu celiyeen Mr Korane iyo shakhsiyaadka kale saldhigga booliska ee ‘Integrity Center’ halkaas oo cawa ay kubaryi doonan kahor inta aan bari maxkamada lasoo taagin.