Dalka ayaa maanta oo Isniin ah laga diiwaan galiyay mid ka mid ah tirooyinkii ugu hooseeyay ee kisaska corona bilihii la soo dhaafay ka dib markii wasaaradda caafimaadka ay xaqiijisay 48 kiis oo Covid-19 ah.

Tiradan ayaa la xaqijiyay kadib baritaan lagu sameyay 1,081 qof 24kii sac ee la soo dhaafay iyadoo dalka guud ah tijabada ay gartay 36,205 oo tijaabo ah.

Xogayaha wasaradda Caafimaadka dalka Mercy Mwangangi ayaa xaqiijisay in dadka cudurka laga helay 31 kamid ah ay yihiin rag halka 17 kale ay yihiin dumar.

Mwangangi oo warbaahinta la hadashay intii lagu guda jiray warbixintii maalinlaha ahayd ee ‘Covid-19’ iyadoo ku sugan Afya House, ayaa sheegtay dhanka da’da qof uguu yar jiro 12 sano,halka qofka ugu weyni uu jiro 75 sano.

Ismaamulka Mombasa ayaa hogaamineysa heerka kisaska malinlaha iyadoo manta laga soo tabiyay 20 kiis oo corona la xariro 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Ismaamulada kale ee kiisaska cusub corona laga soo tabiyay waxaa kamid ah; Nairobi 15, Tharaka Nithi afar, Kiambu laba, Kilifi laba iyo Homabay hal qof ah.

Dhanka kale 176 bukaan oo dheeri ah ayaa ka bogsadey fayraska manta sida ay wasaradda xaqijisay, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee soo kabashada dalka 23,243 soo kabsasho ah.

Tirada dhimashada ee la xarirta corona fayraska ayaa kor u kacday oo gartay 624 dhimasho ka dib markii laba bukaan ay u dhinteen fayraska 24-kii saac ee la soo dhaafay.