Xisbiga ODM ayaa adeegsan doona ra’yi ururin si ay u soo xushaan musharax xoogan doorashada ku celiska ee degaanka Msambwen ee soo socota.

Isaga oo ka hadlaya Jacaranda Hotel ee Ukunda, hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in ay adeegsan doonaan codbixinta si kor loogu qaado cadaalada habka magacaabista ah.

Wuxuu sheegay inay sidoo kale doonayaan inay dadajiyaan howlaha xulista si xisbiga loo siiyo waqti ku filan oo ololeyn ah. Raila wuxuu sheegay in xisbigu uusan u xaglin doonin qof kasta oo damac ah laakiin uu dhageysan doono codadka inta badan codbixiyaasha fursad loo siin doono musharax in ay soo xushan.

Xildhibaankii Msambweni Alle haunaxaruiste Suleiman Dori ayaa wuxuu dhintay bishii Maarso,isagoo lagu doortay sanadkii 2017 tikidh xisbiga ODM.

Raila wuxuu sheegay in ra’yi uruurinta ay qaban doonaan dad aqoonyahana ah. Wuxuu ku booriyay musharixinta inay sidoo kale wada hadlaan oo ay dhexdooda ka heshiiyaan cida ay u tartami karto xisbiga.

Dhanka kale Mr Odinga ayaa waxaa u ku booriyay kuwa looga adkaado doorashooyinka hordhaca ah inay taageeraan qofka guuleysta, isagoo sheegay in talaabada noocaas ah ay xoojinayso xisbiga isla markaana ay guul ku gadhaan dorashada.
Lix bilood ayaa laga joogaa markii kursigu degaanka Msambweni bannaanaaday kadib geeridi Suleiman Dori.

Isbuuci hore,bulshada degaanka Msambweni ayaa ku hanjabay inay ka mudaaharaadi doonaan dib u dhaca ku yimid qabashada doorashada ku celiska ah ee degankooda.

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ayaa markii hore qorsheeyey doorashada bisha Juun laakiin si aan la cayimin ayaa dib loogu dhigay sababo la xiriira faafitanka cudurka Covid-19.

Afar murashax ayaa durba muujiyey xiisaha ay u qabaan tikidhka ODM. Waxaa ka mid ah Omar Boga, Mariam Sharlete, Faysal Bader iyo Nicholas Zani.

Faysal Bader waa uu yahay shaksi qaraba ay yihiin xilishibankii geriyooday ee Suleiman Dori isagoo doonaya inuu dhaxalo kursiga uu baneyay Mr Dori.

Bishii Maarso, qaar ka mid ah xubnaha ODM ayaa Raila Odinga uga digay siyaasadda ku saleysan dhaxalka.