Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kapseret Oscar Sudi ayaa la xiray subaxnimadii maanta ka dib markii uu iska soo diibay saldhigga booliska ee Langas ka dib markii lagu eedeeyay eedeymo ah hadalo naceyb ku salaysan iyo kicin dadweyne.

Suudi waxaa laga dhuliyay garoonka diyaaradaha ee magaladda Eldoret wuxuuna loo duulay Nakuru isagoo lagu xidhay saldhiga dhexe ee Nakuru si maxkamad loo soo tago malinta isniinta.

Mar sii horeysay, qareenka Sudi ahna wakiilka haweenka ee Uasin Gishu Gladys Shollei ayaa sheegtay in jeclaan laheyd in ay xaqijiso in Sudi uu is iska soo dhibay saldhiga Langas uuna ku jiro gacanta booliska.

Waxay sheegtay in Suudi ay amaankiisa suganyahay waxayna ku boorisay dadka deegaanka inay isdajiyaan maadama sharcigu lahor geyn doono.

Suudi ayaa mar sii horreysay soo dhigtay barta Facebook-ga u soo dhigay qoraal u ku sheegay in u yahay muwaadin sharci ku dhaqmaya waxaan u sheegay in u isku soo dhibay booliska isku soo bandhigay Saldhigga Langas subaxnimadii hore maanta.

Sudi waxaa ku wehelinayay saldhiga Langas xildhibaanada kala ah Didmus Barasa, Caleb Kostany, Cornelius Serem, gudoomiyaha ismaamulka Nandi Stephen Sang iyo wakiilka haweenka ee Uasin Gishu Gladys Shollei.

Qabashada Sudi ayaa timid waxyar kadib markii Suudi uu kahadlay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Eldoret.

Ilaa 100 sarkaal oo booliis ah ayaa hoyga xildhibaanka lagu dad gureyay oo u dhow xarunta ganacsiga Kapsaret oo ku teedsan wadada weyn ee Kisumu ee magaalada Eldoret balse booliska aysan u surto galin gacanta ku dhigan xildhibaanka.