Isbahaysiga mucaaradka dalka Mali oo hogaaminayay mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhacay Mali ka hor afgembigii bishii hore ayaa diiday maanta oo Axad ah qaabka kala guurka ee Militariga shaciyay.

Sabtidii, hoggaanka militariga ee dalka Mali ayaa waxaa ay isku raaceyn in la dhiso dowlad kumeel gaar ah oo 18 bilood ah ilaa iyo inta ay doorasho dalka ka dhacayso.

Go’aanka Militariga ayaa waxaa u yimid kadib wadahadallo saddex maalmood qaatay oo ay la yeesheen mucaaradka iyo kooxaha bulshada rayidka ah. Laakiin kooxda M5-RFP, oo ka qayb qaadatay wada xaajoodka, ayaa sheegtay in go’aanka militariga ka soo baxay uu yahay isku day ay hoggaamiyeyaasha milaterigu ku doonayaan inay ku xoojistaan oo ay awoodda kula wareegaan.

Waxay sidoo kale sheegen kooxda mucaaradka bayaanka militariga uusan tixgelin siinin waxaay ku sheegeen fursad in la siiyo dadweynaha rer Mali si ay u soo doortan hogamiyaal ku meel gaar ah.

Urur gobaleedka galbeedka Afrika,ee Ecowas, ayaa sidoo kale ku baaqay in madaxweynaha kumeelgaarka ah uu noqdo qof rayid ah, laakiin hoggaanka milatariga ayaa sheegaya in qof rayid ah mise shakhsi militari ah uu qaban karo xilkaasi.

Axdiga kumeelgaarka ah ee ay ku dhawaaqeen hoggaamiyeyaasha militariga ayaa sidoo kale sheegaya in la dhisi doono hay’ad kumeelgaar ah oo sharci dejin ah oo ka kooban xubnaha M5-RFP ee mucaradka.

Mali waxay la daalaa dhaceysaa rabshado xoogan oo ku saleysan dagaal dimeed iyo mid qowmiyadeed,iyo sidoo kale dhaqaale burbursan.