Ciyaaryahan Kylian Mbappe, oo 21 jir ah, ayaa doonaya inuu ka tago garoonka Parc des Princes ee kooxda PSG isagoo indhaha ku haya inuu u dhaqaaqo horyaalada England mise Spain, sida u qoray wargeyska The Times.

Warbixinta The Times ayaa sidoo kale sheegtay in kooxda heysata horyaalka Premier League ee Liverpool iyo kooxda kale Manchester United ay diirada u saaran yihiin ciyaryahankan.

Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay sidoo kale xiiseyneyso saxiixa xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka.

Mbappe ayaa u saxiixay PSG heshiis shan sano ah sanadii 2018-kii,isagoo kooxda uguu soo biray lacag dhan 165 milyan oo ginni isago kasoo wareegay kooxda AS Monaco.