Golaha Fulinta qaranka ee xisbiga Wiper ayaa ka digay in Hindisaha Dhismaha bundooyinaka ee BBI-da uu yahay wada hadal qaran isla markaana aysan ogolaan doonin in lagu soo koobo dagaal siyaasadeed.

Golaha oo uu hogaaminayo Kalonzo Musyoka, ayaa sheegay in ajandaha BBI-da loogu tala galay in kenyaanka fursad la siiyo si ay uga fikiraan ilaa heerka dalka uu gaadhay tan iyo markii lagu dhawaaqay dastuurka cusub sanadkii 2010.

Goloha xisbiga Wiper ayaa warbaahinta la hadlay iyagoo ku sugan magaladda Maanzoni ee degaanka Athi River,ismaamulka Machakos, maanta oo Axada iyagoo xubnaha xisbiga u bilaabay horumarinta xisbiga ka hor dorashada soo aadan ee sanada 2022-da.