Wasaaradda caafimaadka ayaa maanta oo Axad bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in 188 kiis oo cusub oo coronavirus la xaqiijiyay 24kii saac ee la soo dhaafay.

Kiisaska corona guud ahaan dalka tan iyo 13-kii maarso ayaa waxaa ay gaartay 36,157 oo kiis.

Bayaanka ka soo baxay wasaradda caafimadka ayaa lagu sheegay in 3,092 tijaabo la subiyay taas oo tirada guud ee tijaabada corona gudaha dalka ka dhigaysa 497,652 oo tijaabo ah.

Dhanka kale wasaradda caafimadka ayaa bayankeeda ku sheegtay in saddex bukaan oo dheeri ah ay u dhinteen fayraska, taas oo ka dhigaysa tirada dhimashada guud gudaha dalka ee la xiriirta fayraska 622 dhimasho ah.