Ciyaryahanka feerka ee dalka Iiraan Navid Afkari ayaa lagu fuliyay xukunka dilka kadib markii lagu helay inuu toorey ku dilay shaksi ilala ka ahaa shirkada biyaha soo saarto sida ay sheegtay warbaahinta dowlada Iran.

Afkari ayaa ladilay subaxnimadii maanta kadib markii la fuliyay hanaan sharci ah oo ay ku adkeysadeen waalidiinta iyo qoyska dhibanaha u dilay ciyaryahanka sida u xaqijiyay Kazem Mousavi, oo ah madax waaxda cadaaladda ee koonfurta gobolka Fars ee Iran.

Maamulka gobolka Fars ayaa ku eedeeyay Afkari, oo 27 jir ah inuu toorey ku dhaawacay ilalaha shirkada biyaha siisa magaalada Shiraz ee koonfurta dalka Iran,iydoo uguu danbeyn Afkari uu qirtay dilka u geestay.

Laakiin Afkari wuxuu horaan u sheegay in la jirdilay si u sheego qirasho been ah, sida ay sheegeen qoyskiisa. Qareenkiisa ayaa sheegay in aysan jirin cadeyn dambiga uu galay balse Garsoorka Iran, aya sheegay in aan jirdil loo geysanin Navid Afkari.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Sabtidii cambaareeyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Afkari.

“Toogashada taliska Iran ee Navid Afkari waa fal naxariis daro ah. Waxaan ku cambaareyneynaa hadalada ugu adag ee aan adegsan karo. Waa xadgudub foolxun oo lagula kacay sharafta aadanaha,ayuu Pompeo kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.