Booliska dalka Belarus ayaa waxay xireen ugu yaraan 250 dibadbaxayaal iyadoo tobanaan kun oo qof ay ku mudaaharaadeen caasimada Minsk ka hor wadahadalka u dhexeeya siyaasiga sameynta badan oo ah madaxweynaha dalkaasi ee Alexander Lukashenko iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Ciidamada amaanka oo ku labisnaa dharka rabshadaha ayaa xiraay barxada dhexe ee caasimada dalkasi ee Minsk.Fagaaraha Oktyabrskaya ee bartamaha Minsk ayaa waxaa lagu xirey silig adag iyaado goobta ay soo buux dhaafiyeen booliska.

Dibadbaxayaasha ayaa ku sii jeeday Qasriga Madax-bannaanida,oo ah guriga uu deggan yahay Madaxweyne Lukashenko.
Lukashenko oo xukunka dalkaasi hayey muddo 26 sano ah – ayaa wajahaya mucaarado weyn oo ay kasoo horjedan dadweynaha dalkaasi ka dib markii uu ku dhawaaqay in si aqlabiyad leh u ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee bishii la soo dhaafay ee dalkaasi iyadoo mucaaradka dalka Belarus ay sheegeen in lagu shubtay dorashaada ariinkas madaxweyne Lukashenko beeniyay.

Shaqsiyaadka muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka Belarus ayaa qaar la xiray qaar kale laga talxiray dalka.Madaxweyne Lukashenko ayaa booqan doona Ruushka si uu wadahadalo ula yeesho madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin bari oo Isniin ah iyada oo labada dalba bilaabayaan dhoolatus milatari oo wada jir ah.