Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in xilligan aysan Soomaaliya xamili karin waqti lumin siyaasadeed, xilli muddo xileedka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay muddo 4 bilood ah.

Taabit Cabdi ayaa sheegay inuu boggaadinayo in dhammaan Maamul Goboleedyada inay aqbaleen inay Muqdisho isugu yimaadaan, isagoo ku baaqay in danta guud loo tanaasulo.

Mar uu ka hadlayay Shirka Muqdisho ay ku yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayuu yiri in Shirka Muqdisho uu noqdo midkii gunnaanadi lahaa geedi socodkii shirrarka xal u helida siyasadda Soomaliya.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in wixii hadda kaddib sii jiitama ay ka marqaati kici doonaan damac liita iyo mas’uuliyad darro, taasoo ay ceebteeda qaadan doonaan cidii fasha.