Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa la kulmay Xisbiyada Mucaaradka dalka Somaliya iyadoo kulankan uu ka dhacay Hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Galmudug ayaa taageero u raadinaya heshiiskii Dhuusamareeb 3 sidii loo dhameystiri lahaa, isla markaana laga ambaqaadi lahaa.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Xisbiyada ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Kulamada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho ayaa ah kuwo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda si nabdoon.