Golaha wasiirrada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa kulankoodii Talaadada 8-Sep-2020 ku laalay Barnaamijkii Tubaha xukuumadda oo ahaa habkii ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyneysay saddexdii sano iyo barkii la soo dhaafay.

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Guuleed Khadar ayaa la sheegay inuu soo jeediyay in meesha laga saaro “Tubaha Qaranka” maadaama ay awood badan siinayeen xafiiska ra’iisulwasaaraha oo hadda wixii ka dambeeyay hay’adaha dowladda mid walba shaqadeeda u madax bannaanaato.

Ma cadda sababta aan faafinta rasmiga ah loogu soo saarin go’aankan lagu baabi’iyey Barnaamijka Tubaha Xukuumadda, balse waxa suuragal ah in xukuumadda xilgaarsiintu ka gaabsatay hadalheynta ay arrintan abuuri karto.

Ra’iisulwasaarihii Hore Xasan Cali Kheyre ayaa dhisay nidaam loo yiqiinnay “Tubaha Qaranka” oo ka koobnaa afar tub: Tubta Amniga iyo Caddaaladda, Tubta Horumarinta Dhaqaalaha, Tubta Arrimaha bulshada iyo Tubta Siyaasadda loo dhanyahay.

Burburinta Barnaamijka Tubaha iyo in aan la shaaacin lana sheegin waxa lagu beddelay ayaa kadhigan in xukuumaddu noqon doonto qorshe la’aan muddada ka harsan muddo-xileedkan, balse xukuumadda xilgaarsiinta ayaa wadda olole xafiiska Ra’isalwasaaraha looga dhammeynayo dhammaan wixii xiriir la lahaa Ra’isalwasaarihii hore oo xilka laga qaaday ama iska casilay 25-July-2020.