Xisbiga Dimuqraadiga ee Orange ee loo soo gaabiyo ODM ayaa dib u bilaabay in u sameyn ku yeshaa siyasada ismaamulka Mandera ka hor doorashooyinka guud dalka ee soo socda.

Qorshaha xisbiga ayaa waxaa shaaca laga qaaday kadib markii madaxda sare xisbiga ee ODM ee ismaamulkaasi ay xarun ka furteen degaanka galbeedka Mandera iyagoo diyaar u ah fulinta qorshaha xisbiga.

Furitaanka xafiiska ODM ee ismaamulka Mandera waxay astaan ​​u tahay in bulshada Mandera ay baahi uqabaan xisbiga si ay mustaqbal wanaagsan iyo barwaaqo u garaan sida u sheegay Yussuf Macalim oo ah gudomiyaha Xisbiga ODM mar u warbaahinta la hadlay.

Furitaanka xarunta xisbiga ODM ee ismaamulka ODM ayaa imanaya waxyar kadib kulan ay yeesheen golaha odayaasha Mandera kaasoo ay uga hadlayeen doorashooyinka soosocda dalka.