Dalka ayaa maanta oo khamiis ah laga diiwaan galiyay 143 xaaladood oo cusub oo Covid-19, taasoo wadarta guud ee kisaska corona gudaha dalka ka dhigaysa 35,603 oo kiis sida uu xaqiijiyay xogayaha wasaradda caafimadka dalka Dr Rashid Aman.

Tirada maanta ayaa la ogaaday kadib baritaan lagu sameyay 3,854 oo qof 24-kii saac ee la soo dhaafay,iyadoo tijabooyinka corona gudaha dalka ay gartay 485,836 oo tijaabo ah.

Dr Aman ayaa xaqiijiyay in dhamaan dadka maanta laga helay fayraska ay yihiin Kenyan marka laga reebo 14 qof oo ajaanib ah.

Dr Amaan oo warbaahinta la hadlay intii lagu guda jiray warbixintii maalinlaha ahayd ee ‘Covid-19’ isagoo ku sugan cisbitaalka Mathari National Teaching and Referral hospital,ayaa sheegtay in dhanka da’ada bukaanka uguu da’ada yar jiro sagaal bilood halka kan ugu da’ada weyn yahay 83 sano jir.

490 bukaan oo kale ayaa ka soo kabsaday fayraska, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee soo kabashada dalka 22,047 kabsasho ah.

Dhanka kale tirada dhimashada ayaa kor u kacday oo gartay 612 ka dib markii shan bukaan oo dheeri ay fayraska u dhinteen 24kii saac ee la soo dhaafay.